Hooyga Barbaarinta Qoyska & Wanaaga Bulshada

Nin Dal dhan kaligiis keliya Muslim ka ah oo Saacado aad u badan Sooma!! (Waa kee Dalkaas?)

Mid ka mida Shabakadaha Wararka Caalamka ayaa soo heshay Nin Muslim ah oo Sooman oo jooga Jaziiradda Greenland, halkaas oo aanay cidina horay ugu maleeyn jirin in laga helayo Qof Muslim ah, maadaama Jaziiraddu ay u egtahay mid aanay Dad ku nooleeyn.

Ninkan waxaa la yiraa Wasaam Al-Zaqir, waana mid Asal ahaan Lubnaan kasoo jeeda oo ku nool Jaziiradan ay Hareeruhu Barafka ka fadhiyaan Sanadka oo dhan.

Waa Muslimka kaliya ee halkaas jooga, wuxuuna Soomaa Bishan Ramadaanka 21 Saacadood sida Shabakadda Warbixin qortay ay xustay.

Greenland waxaa lagu sheegaa Jaziiradda ugu wayn Dunida, waxayna dhacdaa inta u dhexeeysa Bad-weynada Atlantic iyo Badda Waqooyi ee la yiraa Arctic Ocean, waxaana Dhulkaas uu Siyaasad ahaan raacsanyahay Denmark, inkastoo uu Xukun hoosaad gaar ah leeyahay.

Dadka Jaziiradaas jooga waxay Ninkan Wasaam Al-Zaqir la yiraa oo Sanado badan la noolaa ku Magacaabaan Colombos-kii Carabta, iyagoo u heeysta inuu yahay Ninkii Carab ama Muslim ugu horeeyay ee awood u hela inuu halkaas ku noolaada.

Wuxuuna Ninkaasi maamulaa iminka Mashruuc guleeystay oo Caasimadda Nuuk laga wado, kaas oo Maalintii ku dhawaad 22 Qof oo Macaamiil ahi ay ku xiranyihiin.

Related posts

Jaceylka Dhabta Ahi Goormuu Dhashaa “Ogaanshaha Mucaashiqiinta Soomaaliyeed”.

KaLaFoGe

Daawo Sawirada :Cristiano Ronaldo oo koobka Aduunka diyaarsaday Waardiyaal gaar ah sabab aan hore loo arag!!!

KaLaFoGe

Daawo Nin Dil Toogasho Lagu Fuliyey In Ka Badan Lix Saacadood Kadib Maydkiisa Loo Geeyey Dhakhtar Kasoo Sheegey Inuu Nool Yahay.

KaLaFoGe

Leave a Reply