Hooyga Barbaarinta Qoyska & Wanaaga Bulshada

Q8aad Sheeko Murtiyeed: Ani Ma Nooli, Yaa Qaatay Kabaheygii Iyo Qalinkii Aamina Musse Wehliye..

Sheeko murtiyeedkaan xiisaha badan hadii aay qeybihii hore ku dhaafeen halkaan ka akhriso.

Qeybtii Hore Ee Sheekadaan Halkaan Riix.

Qeybtii Labaad Ee Sheekadaan Riix Halkaan.

Qeybtii Sadaxaad Ee Sheekadaan Riix Halkaan.

Qeybtii Afaraad Ee Sheekadaan Riix Halkaan.

Qeybtii Shanaad Ee Sheekadaan Riix Halkaan.

Qeybtii Lixaad Ee Sheekadaan Riix Halkaan.

Qeybtii Sideedaad Ee Sheekadaan Riix Halkaan.

Q. 8AAD – SOO DHIIB!

Taleefoon ayaa soo dhacay, haddana waa soo dhacay, mar kale ayuu soo dhacay, misna mar kale, markii siddeedaad ayaa la qabtay, “heloow yaa waayena?” “Waa aniga”, “Adigee?” waa cowralo dheer ee ii dhiib Warmooge” “Yaah?” “Warmooge ii dhiib aan ku dhahay” “Eeddo Cowralo waa Raage ee miyaan salaani jirin? Bal reerkii iiga warran” “Waar ii dhiib odayga aad qarsateen, muxuusan noola soo hadlin” “Yaah? Eeddo codku waa go’goayaa ee ku soo celi” “Waar ku soo celin maayee ii dhiib doofaarka, muxuu iiga dhuumanayaa?” “Alla eeddo ma dhuumanayee tiisaa heysata” “inteed joogtaa annagaa ku soo waceynee?” “Yaah? Kuma maqlo, maxaad tiri?” “Eeddo halkeed joogtaa? Taleefonka aad joogto ii qor si aan kuu soo wacno” “Yaah?” “Heloow, eeddo Cawralo? Helooooooooow, eeddo ma I maqleysaa? Heloow???” taleefoonkii waa goay.

Waa hiirta waaberi, dad qummaniba ma soo jeedo, waase laamin Sabti ah oo aan laga shaqeyneynin waddankaba, Raage wax baan ayuu u dacwooday sida Soomaali badan oo kaleba in Jimcaha looga dhigo maalinta nasashada ee Sabdtida badankeed, laakiin taani ma dhicin, haddaba Sabtida iyo Axadda sida shaqaalaha kale oo dhan oo waddanka ayuu nasiino ku jiraa in yar oo maalmahaas shaqeysa mooyee, wuxuu subaxdii sidaanoo  kale uu nasanayo ee Sabtida iyo Axadda soo toosaa xilliga uu maalmaha kale ee shaqo tooso, wax badan ayuuna qabsadaa, reerkana waa u qabtaa.

Waa baari-far ma qaniine ah oo xaaskiisa iyo reerkiisa u roon, hada kumaba sii jirto maanta oo wuxuu rabaa Soddogiis Warmooge, oo siduu u yimid, maalintii uu lumay mooyee anuu firaaqo u helin in uu soo yara wareejiyo, alaabo yaryar u soo iibiyo, musqatbalkiisa kala taliyo, sidii wax la yeeli lahaa iyo sidii uu waddanka ugu noolaan lahaa kala arrimiyo.

Haddaba intii uu saakayto iska soo toosay ayuu iska xisaabinayey biilasha reerka qeybta uu bixiyo, ama ha ku qornaado magac ahaan ama ayuu ku qornaane, gaas-ka, korontada, taleefonka, ruqsadda TV-ga, mobile lacagtiisa, IWM intuu xisaabtii ku jirayna waa kan taleefonkaan ayaa soo dhacay, intaas ayaana dhex martay eeddadii taleefonka soo dirtay, intaanuu ogaan taleefonka laga heli karana waa kan qadkiiba go’ay.

Intuu dib u farisitay ayuu yara fekeray, waxaa maskaxdiisa ku soo dhacday in uu hoosta ka yara xasuusto kana tiriyo horta inta xaas ee uu soddogiis ku ogaa in uu leeyahay, Xaddiyo, Xaliimo, intaas waa dhaafin waayey, toloow Cowralana ma jirtay? Wuxuuse xisaabtaas iyo hubinteeda u deystay marka reerka intiisa kale soo tooso, siiba oday Warmooge, iyo Xaadsan, oo ah labada qof ee kale oo qaangaarka ah ee guriga ku nool.

Intuu shaah ag yaallay fiiqsaday ayuu hawlihii uu watay isaga laabtay, tv-ga oo uu codka u gaabiyeyna waa hor fadhiyaa oo mar mar kuu isha ku xadayaa, intuu sidaas ahaa ayaa taleefonkii soo dhacay mar kale: “Heloooow” ayuu cod dheer ku yiri” “Heloow” ayaa lagu yiri cod kii Cowraladii hadda ka geddisan ood mooddo in uu ka yara deggan yahay, “Haye waa tuma?” ayuu weydiiyey, Xaddiyo waaye ayaa lagu yiri ee side reerku yahay, soow ma ladnidiin” “haa eeddo Xaddiyo” ayuu la soo booday, waayoo tan waa yaqaan, ugu yaraan in eey xaasaskii Warmooge tahay waa ogyahay horuuna u maqlay in kastoo anuu waligiis indho ka qaadin, “Kulli waa ladanahay” ayuuna ugu qatimay, “Maandhoow waxaan idiin soo wacay in aan xaalkiina ogaado siiba kan odayga, oo anaan war u heynin wuxuu ku sugan yahay siduu u soo safrayba” ayeey si faahfaahsan u tiri, hoostuu ka farxay waayoo eeddadani ma ahan mid dagaallameysa sida tii hore oo kale, “Eeddo Xaddiyo waa nabad qabnaa kulligeen, adeer Warmoogana waa ladan yahay, waa uun qof waddanka ku cusub oo ma la qabsan mooyee wax gooni ahi kama haleyna” ayuu ugu laabqaboojiyey, wuxuuse raaciyey “Taleefoon lagaa soo waco ii sheeg si aanu innagu kuu soo wacno”, inteey neef xoog leh o uu taleefoonka ka dhex dareemayo iska soo fujisay, ayeey tiri: “Maandhoow reer miyi baan iska ahoo ma kala garanayo laakiin wiilkeyga roon ayaa I keenay meeshaan, isagaan weydiinayaa waana idinku soo noqonayaa” weyna dhigtay.

Waa taleefonkii labaad ee saakayto soo dhaca oo Warmooge raadinaya, cidkalena ma ahayn waa xaasaskiisii, wuxuu soo maqan yahayba ma dhama laba toddobaad, waana wax iska caadi ah, in taleefoonnada dhulkii hooyo laga soo diro maalmaha Sabtida iyo Axadda, waa wax la isla bartay, laakiin kan waa gaar, Warmooge oon camal heyn ayaa xaasaskiisii taleefoonno soo bilaabeen, Raage maadama uu yahay nin arrimaha bulshada ka shaqeeya oo tarjubaan ah oo intaas dad Soomaliyeed u dhex jira, wuxuu garan karaa waxa meesha ka soo socda.

Wax yar ka dib ayaa reerkii intii kale soo wada tooseen, odaygii Warmooge ahaa isagu weli carruurtii buu qol la deggan yahay iyagaana xukuma hurdadiisa iyo hurdo la’aantiisaba, waayoo waa carruurtoo saan dabacsan garan maayaane, markeey toosaan ayeey cod dhaadeer, armaajiyo (Kabadho) kolba la furo kolna la xiro, qaw iyo qac-ba kaga daryaamiyaan, markaasuu soo boodaa, wixii markaas ka dambeeyana hurdo ma jirto, tan kale odaygu sidii maahan oo wax badan ayaa dhib ku ah, cuntada nooca kale ah, salaadaha iyo xilliyada la dukanayo oo uu ka sugo Inanta uu adeerka u yahay ee Xaadsan, oo kolba uu ku yiraahdaa: “Maandheey salaaddii mala gaaray?” iyana waxeey uun eegtaa warqad darbiga qolka fadhiga ku dheggan, markaaseey u jawaabtaa, waa meel aan cadceedda eebbe ugu talagay in eey uuma iftiimiso aan laga arkeeynin, oday Warmooge, wax badan oo uu la amakaagsan yahay, misna adkeynaya in uu la qabsado nolosha waddanka shisheeye ee uu umatay ayaa jira, marka sidii hore waa ka yara jilicsan yahay, ewel oday reer miyi ah oo indha adag buu ahaaye, duqii waxaa ka siibmay wax badan, xitaa culeyskii waa ka yaraaday, wuuna is dhimay miisaankiisu, wuxuuse duggaashanayaa caanihii geel iyo hilibkii udgoonaa ee uu ku soo koray, Masagadii (Haruurkii) iyo digirtii, Garawgii caanaha dhanaan lagu qooshay, bur-bursankii carabka iyo laabtaba u roonaa, intaas ayaa weli lafaha ugu jirta, mase fahmi karo cunnooyinkan cillan, ee calool qabadka iyo laab dillaaca ku dilay.

Haddaba iminka waa isaga soo toosay, oo dhadhaqasho cadayasho iyo iska daba wareeg yar ka dib fadhigii guriga ood mooddo sayladdii xoolaha farabadnida inta qof ee fadhida darteed ku soo biiray, reerka oo dhammi halkaaseey iska xaadiriyaan, uguna sii daran maalmaha fasaxa ah ee Sabtida iyo Axadda oon shaqo (Mid deg-deg ah) mooyee iyo iskuulba aan la aadeynin, markuu soo fariistay ayaa Raage ku taabtay farriimihii uu hayey, “Adeer Warmooge, saakayto waddankii baa lagaa soo wacay?” ayuuna ku yiri, wuxuuna u sii raaciyey cidii soo wacday, inta jeer ee la soo wacay iyo farriimihii loo dhaafayba, odaygii jawaab badan kama celin, laakiin si yara gaabay ayuu u yiri: “Maandhoow mahadsanid, waa qeyr haddeey nabad qabaan”, Warmooge intaas waa iska yiriye hoosta ayuu ka welwelayaa, dadkuna kala darane, min yaradiisa ayuu aad uga welwelayaa, isagu waa daacad ma xasuusto xitaa in uu cidba wacay iyo in kale laakiin waxaa jirtay in maalmihii ugu horreysay ee uu waddanka yimid wiilkiisa weyni soo wacay, balse ma xasuusto wax kale, odaygu wuxuu u caddiban yahay sida qof kasta oo dhoofka ku cusubi u caddilan yahay, isagana waxaa u sii dheeraaba in uu ambaday.

Intaas ka dib xilli quraacdii loo keenay, isaguna uu iska agfadhiyo oo xitaa anuu weli cunis ku bilaabin ayaa taleefonkii mar kale soo dhacay, Raage oo uugu dhow halka uu yaallo ayaana qabtay, yaa ewelba qaban lahaa hadde, isagaa odayga reerka ahe dhegta markuu saaray oo uu Hellow yirina waa iska gartay qofka eey tahay.

“Ma soo toosay?” ayeey weydiisay, “Haa waa kan ee la hadal” ayuu isaga qabciyey, taleefonkiina wuxuu u dhiibay soddogiis Warmooge, isna dhegtuu saaray, mana jecleysay waxa uu maqlayo. “Salaan gaaban oo boobsiis ah ka dib waxeey minyaradiisii cod qeylo ku jirto u tiri: “Waaryaahe, maxaa kugu dhacay? Waad ogeyd intaan deyn ku jiray oo faraqa la I heystay? Zandho iyo xoolo iigama soo tagin? Maxaa loo goostay biilkii yarad ee la soo dhiibi jiray?” isagoo gariiraya, oon hubin wax uu yiraahdo iyo wax kale ayuu ku jawaabay: “Biilka waa la soo dhiibaa ee ii kaadi? See tahay? Xaaladda ka warran? Anigu reer miyi baan iska ahay, gabadheyda iyo wiilka qaba ayaa indho iyo dhego-ba ii ah, xitaa waan ambaday maalin dhan ayaan maqnaa…..” Intaas markuu marinayo kamaba eey sugini waxey ku tiri: “War meey maqleysaa?” sidii ilmo yar ooy canaaneyso, “War badan ma rabee Soo dhiib!!!”

La soco qaybta 8aad ee Taxanaha Sheeko-murtiyeeddan iyo Kobciye.com ……………………..

Amina Mussa Wehelie

Emails: asahra2012@gmail.com ama aminawehelie@yahoo.co.uk

Blog: http://aminasahra.blogspot.com

Website: http://aminawehelie.com

Facebook: www.facebook.com/Amina.Mussa.Wehelie

Twitter: www.twitter.com/AminaWehelie

YouTube:www.youtube.com/ololahahangasha

Skype: www.skype.com/Amina.Mussa.Wehelie

Related posts

Dhibaato Intee La Eg ayey Leedahay In Wiilka Iyo Gabadha Meel Ku Keliyoobaan Iyo Suaal Lasoo Weydiiyay Sheikh Idiris.

KaLaFoGe

Waxyaabaha Soonka Buriyo Waxaa Loo Qeybiyaa Labo Qeybood Waana Muhiim Si Aad U Ogaato Oo Ugu Fogaato.

KaLaFoGe

Gabar Somali Ah Malaayiin Doolar Ka Dhaxashay Maalqabeen Sucuudiya Oo Guurkeeda Labaad Tartan Loo Galay Bil keliya ayaa ay is-qabeen…

KaLaFoGe

3 comments

Leave a Reply