Hooyga Barbaarinta Qoyska & Wanaaga Bulshada

Qeybtii 1aad Sheeko Aad Iyo Aad U Xiiso Badan Lana Magac Baxday “Jaceylkii Barni Seed”.

Aqalka reer Seed Warfaa waa ka tuulada oo dhan ugu sumcad xun. Marka la hor marayo waxaa ka soo ura saamo. Waxaa kale oo ka soo ura dufan gorayo. Waa mutul iyo aqal soomaali iska dhinac dhisan oo wada leh daarad ciid ah. Waxaa ku wareegsan ood badankeedu baxday oo dhir noqotay.

Farasmagaalaha ayuu bari kaga soo jeedaa, maalintiina gelinka dambe haddii albaabku furan yahay waxaa la arkaa dalqada iyo ilaa caloosha.

Waa aqalka tuulada ugu sumcad liita waayo waxaa ku nool qoyska bulshada ugu sumcad liita. Haddana goor iyo ayaan ragga oo dhami xaggiisa ayay wada eegaan. Qoyska deggan mooyee qof kale oo weligii aqalkaas foodda geliyay la ma sheegin, haddana eegmada lagama daayo.

Waa la isla og yahay maalin walba in ay rag badani meelo kadinka ku qumman ogaan u fadhiistaan si ay u daawadaan, haddana la islama qiro danta maalin walba halkaa loo fadhiistaa in ay tahay daawashada aqalka sumcadda xun.

Waa tuulo yar oo gabbalku mar wada dhaco waaguna mar u wada beryo. Qof waliba waxa uu ku seexdo iyo waxa uu ku soo tooso waa laga wada war hayaa. Xataa qof walba fekerka maskaxiisa iyo waxa calooshiisa ku jira waa la garan karaa. Waa dad yar oo iswada yaqaan.

Waxa aad mooddaa in loo qaybsan yahay qoyska reer Seed iyo bulshada inteeda kale. Waa qoyska keliya ee aan la ogayn waxa uu ku seexdo kuna soo tooso. Waa qoyska keliya ee aan la garan karin waxa maskaxdiisa iyo calooshiisa ku jira.

Aabbaha qoyska Seed Warfaa waa shan iyo afartan jir laf iyo xoog loo dhammeeyay. Degmada isaga ayaa u haysta legdanka, orodka iyo toogashada. Intaa ka sokow waa ninka degmada oo dhan u qaabbilsan xirfadda kabotolista. Waa nin furfuran oo bulshaawi ah.

Dadka la kulma cayda iyo cadaadiska badan qaarkood waa ay jabaan oo waxaa ku dhaca cuqdad iyo daciifnimo, gunnimada ayayna qaayibaan. Qaarkoodna waa ay ku dhismaan oo waxa ay ka qaadaan adayg. Seed Warfaa waxa uu ahaa noocan dambe. Cashadii u garaadsaday ilaa maanta naftiisa waxaa la la dhacayay nabarro aan tudhid lahayn oo qof jilicsani ku daadduumi lahaa, isaga se waxa ay ka dhigta birlab aan wax karayaa jirin.

Ninka erey qallooca u la yimaadda toban erey oo ka la daran ayuu ku gaggabiyaa, ninka mar hoos u eegana toban jeer ayuu hoos u eegaa.

Isaga oo afar iyo labaatan jir ah markii uu guurdoon noqday waxa uu calfaday Dhudi oo ka mid ahayd saddex hablood oo uu degaanka oo dhan doorasho u lahaa. Boqollaalka gabdhood ee kale iyo isagu waxa ay ka la ahaayeen sida geela iyo lo’da. Ha yeeshee doorashadii saddexda ku koobnayd ayuu Alle u barakeeyay oo Dhudi wuu ku bdhaadhay waxa ayna maanta u haysaa lix carruur ah oo caafimaadkoodu taam yahay.

Seed Warfaa isaga oo aqalkiisu yahay ka tuulada oo dhan ugu sumcad xun, haddana weligii habeen keliya ooridiisa iyo ubadkiisu dhereg la’aan ku ma ay seexan. Afarta xilli ee sannadkaba waa ay shilshilis yihiin, goor walbana waa ay dheregsan yihiin waxaana ka muuqda daryeel iyo dufan. Isla markaas aqallo badan oo sharaf loo hayo habeenno badan dab laga ma shido, waxaana lagaga nool yahay diif iyo diihaal.

Seed Warfaa waxaa u dareerta xayn adhi ah oo ido u badan, wuu se og yahay si walba in uu uga nolol wanaagsan yahay qoysas hodan isu haysta oo kadin geel ah iyo tiro adhiya dareersada. Toddobaadkiiba maalin buu qorigiisa Ustarka ah qaataa oo kaynta goodir ama biciid ka soo dishaa, dibtaag ama cawl, amaba gorayo. Marnaba ubadkiisa oon dux leh u ma waayo.

Subagga badhida gorayada laga shiilo ee urtiisa qoyska lagu yaso Seed Warfaa wuu og yahay in ay tahay dawada ugu waxtarsan ee uu ubadkiisa cudurrada kagala dagaallamo. Duumo, qaaxo, xiiqdheer, hargab iyo aafooyinka la midka ah ee ay carruurta tuuladu goor walba u daadato, qaarna u dhintaan, cudurradaasi isaga minankiisa ma soo galaan. Kaneecadu carruurtiisa in ay qaniinto iska daaye korkoodaba ku ma joogsato.

Dadka beesha waxa kab maas ah cagta ugu jirta intooda badani waxa ay ka soo baxeen labada gacmood ee Seed Warfaa iyo wiilkiisa gugan siddeed iyo toban jirsadey. Kabatolennimadu ma aha xirfad uu dhaqaale ka la soo baxo oo keliya, ma aha dhaqan awoow oo uu sii waday oo keliya, waxa ay se u tahay farshaxan iyo fannaannimo ay naftiisu caashaqday oo ku raaxaysato.

Marka uu saan weyn oo agtiisa taal marba sar uu calaamadiyay mindiil af badan kaga soo dillaaciyo, uu mindiisha ku sii jaangooyo una egaysiiyo raad qof, uu mid kale iyo mid saddexaad sidii si la mid ah u qaabeeyo iskuna wada nabo, uu kabatoli iyo suun dhuuban qaato oo saddexdii sarood tolan ku wareejiyo, uu suuman yara balballaadhan sarihii uu isku dhisay dusha kaga xidho musbaarrana ugu qodbo, uu cidhib kuusan oo iyaduna dhawr sarood ah gunta dambe kaga fadhiisiyo, uu suundambeed qadhabi leh gadaal kaga wareejiyo, uu sidii ilmo uu dhalay cabbaar marba dhaban ka daawado, uu aji nacas ah oo cagaag dilooday u tuuro, farxadda iyo liibaanta uu helo ma jiraan wx kale oo uu ka helaa. Run ahaantii markaas lacagta uskagga badan ee loo soo taago ka ma fekero.

Ragga inta ay makhaayadda koobab shaah ah ka soo qaataan halkaa soo fadhiista, ama shax iyo deleb ka jeexda, ama sidii dad falan iska yuurursada, dabadeed sidii xoolo horan xagga mutulka u wada jeesta, waxaa ku jira Warsame Hayaan, sagaal iyo toban jir isaga iyo qoyskoodaba la qaddariyo.

Waa duhur kulul oo ay qorraxdu iyada oo qaawan cirka badhtankiisa carshigeeda ku dangiigto. Geedku waa jinaw weyn oo cufan caleentuna aad u hadoodishay. Hooskiisa waxaa hadhac qabow ka sii dhigay ciidda rayska ah. Waa ciid nadiif ah oo ay roobab isdabajoog ahi aad u maydheen. Barni Seed jirridda ayay dhabarka ku tiirisay, labada lugoodna rayska qabow ku ka la bixisay. Dhabta waxaa u saaran duub maydhax galool ah oo ay ka soohayso xadhigga hararka lagu sameeyo.

Cod ay raalli ka tahay ayay ku qaadaysaa heeso cayaareed cusub oo degmada laga tiriyay. Heesaha ay qaadayso iyo maydhaxda ay soohayso mid na ku ma baraarugsana oo waxa ay ku maqan tahay duni kale. Laba dareen oo cadaw isu ah ayaa nafteeda ku legdamaya, wejigeeda ayuuna dagaalkaasi ka muuqdaa. Mar way muunsoonaysaa, marna qamuunyoonaysaa. Dhalanteed ay dhex mushaaxaysey waxaa ka dhabqiyay kuray sagaal jir ah oo geedka gadaal ka soo galay.

– Saleebaan, waad naga nixisaye waa la isa soo muujiaa!

– Adigu fulaysanidee maxaad ka baqaysaa?

– Ma waxa aad ka timid tuulada?

– Haa.

– Yaa joogey?

– Dadkii joogi jirey.

– Makhaayaddii Guure ma tagtay

– Haa.

– Yaa joogey?

– Dee dadkii joogi jirey. Yaa kale ee joogi lahaa?

– Odaygii Xaaji Aadan ma joogey?

– Haa, wuu joogey.

– Cartan-Dheere ma joogey?

– Haa.

– Yaa kale ee joogey? Warsame Hayaan ma joogey?

– Haa, isaguna wuu joogey.

La Soco Maalinta Berri Ah Qeybta Labaad Ee Sheekada Iyo Kobciye.com Haduu EEBE Idmo

W/Q Ibrahim Hawd

Related posts

Qisada Su’aashii Nebi Muuse (CS) Uu Iska Weydiiyey Ilaahay (SWT) Iyo Xikmadda Jawaabtii Uu Malaggu U Keenay.

KaLaFoGe

Waxyaabaha Keeno Madax Adeega Iyo Qodobo Kuu Sahlayo Sidaad Ula Dhaqmi Laheyd Carruurta Madaxa Adag.

KaLaFoGe

Sheeko Gaaban Oo Cajiib Ah Lana Magac Baxday “GEED NOOL” Iyo Qalinkii Saddaam Xuseen Carab..

KaLaFoGe

9 comments

Leave a Reply