Hooyga Barbaarinta Qoyska & Wanaaga Bulshada

Qeybtii 2aad Sheeko Aad Iyo Aad U Xiiso Badan Lana Magac Baxday “Jaceylkii Barni Seed”.

Laydh farxadeed baa martay. Intaas baa deeqday. Magacyada kale oo dhami waxa ay ahaayeen raadgadasho ee ka u dambeeya ayay u dan lahayd, Warsame Hayaan. Waa ay aamustay oo inta ay inankii la fadhiyay illawdey mar kale dhalanteed macaan dib u gashay. Dhibic weyn oo biyo ah oo geedka ka soo dhacday ayay dhabanka ka tiratay, yarkuna waxa uu mooday in ay ooyayso. Wuu eegayaa dareenkeedana fahmayaa.

Mar keliya ayay qoftii hortiisa fadhidey isbeddeshay. Muddo ilbidhiqsi ah ayay dhaqaaq oo dhan joojisay oo dhulka horteeda ah ku dhaygagtay. Haddana isaga oo arkaya ayay duushay oo uu waayay. Meeday? Halkii ay fadhiday waa cidla bannaan! “Acuudu billaahi mina sheydaani rajiim!” Qoftii ma jin bay noqotay mise xanfalay baa qaadday?!

Yarkii waxaa ku dhacay argaggax. Waxa uu damcay in uu cararo oo beesha u qayliyo. Laakiin haddana waa tan halkeedii fadhida. Sidii buu dareenka wejigeedu liibaan iyo murugo isugu milan yahay.

Barni Seed waa ay og tahay jacaylka ay Warsame Hayaan u qabtaa in uu yahay mustaxiil. Waxa ay jeceshahay ilaa heerka dhimashada, haddana ugama duwana iyada oo jeclaatay wax aan jirin. Waxa ay diiddan tahay, ama ugu yaraan ka niyadxun tahay, xukunka uu qaddarku iyada oo aan dhalan saaray…

Goortu waa casar dheere aad u kulul oo dunidu inta ay dhalaashay isu rogtay dhaandabaggaalle. Waxaa la maqlay mashxarad dheer, haddana dhawr xabbadood baa la riday. Dabadeed aqalkii reer Seed waxaa ka soo baxay nin doob ah oo aan tuulada laga aqoon. Waxaa ka soo daba baxday Barni oo dhar cusub gashan. Waa ay ooyaysaa. Kor iyo hoosba waa ay u ooyaysaa. Qalbiga iyo indhahaba waa ay ka ooyaysaa.

Ilaa saaka aqalkooda ayay ka dhex barooranaysey, imika se baroortii waa ay ka daashey oo waxaa ku hadhay hiinraag wadnaha guntiisa ka soo fuqaya iyo illin dhabannada qulqulaysa. Tallaabada dirqi ayay ku qaadaysaa oo waaba la riixayaa. Dad door ah oo dumar iyo carruur u badan ayaa cabbaar sii gelbiyay. Qunyar qunyar ayay tuulada uga durugtay. Waxa ay ku baxday xoog iyo xanuun la mid ah ka ay naftu jidhka kaga baxdo. Ninku wuu ka horreeyaa oo isagana waxaa gelbinaya laba nin oo kale.

Markii laga soo hadhay tuulada lagu ma soo noqon ee waxaa la istubay debedda, waxaana la sii eegay labadoodii oo bari qumman afka ku sii haya. Ninka waxa ay ka dambaysaa dhawr tallaabo, mana wada hadlayaan. Ugu dambayn waxaa la sii arkayay iyaga oo bankii kululaa ku fogaaday, oo dhex galay dhaandabaggaalle, una egaaday laba laamood oo dhaadheer. Waxa ay noqdeen laba malluugood, dabadeed waa ay libdheen.

Degdeg ayay qorraxdii u dhacday, waxaana soo waydaaratay dhaxan daran oo aan mid la mid ah hore loo arag. Waa la wada qadhqadhay, rag iyo dumar, carruur iyo cirroole, qof waliba inta uu gadhka iyo lawyada isgeliyay oo huga isku duubay ayuu keligii meel yaxoobsaday. Sidii loo dhammaa waa la aamusay. Shib. Qof mid kale la hadlayaa ma jiro, qof walibana halka indhihiisa ku beegan ayuu mugdiga ku dhaygagay.

Qof walba waxa aad mooddaa qallad aan wax ka qabasho lahayni in ay ku gooniyaysatey. Haddana qalladda dhacday waxa ay tahay iyo sida ay tahay la ma qeexi karo. Qalladdu ma in Barni Seed la guursaday oo dhul kale lala aaday dibna loo arki doonin baa? Maya, maya, caqligal ma aha. Maxaan caqligal ahayn. Ma in aanay dhicin, mise in ay masiibo tahay? Maxaan dhicin, maxaa se masiibo ah? Wayddiimaha caloosha wareegayaa afka ka ma soo baxaan. Waxa dhacay iyo wayddiimaha ka dhashay la islama qirsana ee qof walba isaga ayay u gaar tahay. “Fururq ku dil, qurux badnaydee!”

Wadaadka masjidku maalintaas eedaankii salaadda maqrib iyo kii cishe labadaba wuu illaawey. Maalmo ka dib waaba la isku khilaafay labadaa salaadood in la tukadey iyo in kale. Galabtaas kulul naftii sida xoogga leh u baxday dib u ma ay soo noqon. Naf baxday ma soo noqoto. Farxad, kaftan iyo qosol maalinaas baa tuulada ugu dambeysey. Indhihii badnaa ee aqalka sumcadda xun eegi jirey maalintaas baa meel ay wadajir u eegaan ugu dambeysey. “Furuq ku dil, qurux badnaydee!”…

Saleebaan oo laba iyo labaatan jir ah ayaa baabuur kaga degey tuulo aanu u socon hayeeshee safarku la maray. In uu ku dego wuu sii qorsheeyay. Kiilo xalwad ah iyo xidhmo nacnac ah ayuu sidaa. Waa galab. Albaab loox ah oo ay saboolnimo ka muuqato oo uu digaag hareeraha ka qodqoday ayuu garaacay. Waxaa ka furtay cunug qiyaastii kow iyo toban jir ah oo aad u qurux badan hayeeshee arradan. Waxa ay ku dhex jirtaa kurdad duug ah oo faraqyo leh. Gudaha waxaa ku qaabbishay haweeney u arradan sida gabadheeda yare e albaaka furtay. Waa Barni Seed oo shan dhal ah. “Durba la isku soo bood, degdeg la isu gacan qaad, la isu daaddeg toyashada.”

Carruurteedii markiiba waxa ay ku degeen xalwaddii iyo nacnacii, dhawr ilmood oo kale oo deriska ah ayayna ugu yeehdeen oo wax ka siiyeen. Buuqooda, qosolkooda iyo oohintooda ayaa sheekada Saleebaan iyo Barni murginaya. Goor dambe oo ay godolkii hore ee iswaraysiga ka la maaleen, iyada oo indhaheedu ilmo godladeen waxa ay tidhi:

– Ma waxa aan maqlay Warsame waxa uu guursaday ina Xaaji Aadan?

– Haa, labada tii yarayd.

– Aniga ayaa kun goor ka qurux badnaa.

– Haa, waa la wada ogaa in aad ka qurux badnayd.

– Aniga ayaana ka karti badnaa.

– Haa, la iskuma khilaafsana in aad si walba uga dadnimo fiicnayd.

– Waa ay se iga nasabsanayd.

– Ma rumaysni in ay laba qof dhalashada ku ka la nasabsan yihiin. Ujeeddada aan kuu soo maray ayaaba ahayd in aan taas ku idhaahdo.

– Waan ku fahmayaa waayo mutacallin baad noqotay.

– Waa dhaqan abaadey oo aan caqli iyo xaqiiqo ku dhisnayn, ayuu ku yidhi.

Cabbaar ayay aamuseen, dabadeed goor dambe ayay tidhi:

– Waxa uu ii jeclaa sida aan jeclaa si la’eg, sababtaas baan u samri la ahay.

– Isaga oo ku jecel haddii uu naag kale guursadey waa u doqonnimo.

– Doqon ma aha ee qudhiisa dhaqanka ayaa ka hiiliyay.

– Haddii uu geesi yahay ama isku kalsoon yahay dhaqan gaboobay dan ka ma galeen.

Waa ay ooydey, ilaa wejigeedu dhidid iyo illi isku darsamay la qoyay. Saleebaan inta uu ku durkay oo madaxeeda laabtiisa ku qabtay ayuu garbasaarteeda wejiga ugu engejiyay oo ereyo garwaaqsi leh ugu celceliyay ilaa ay aamustay. …

Waxa uu xasuustay xan uu carrurnimadii maqli jirey oo ahayd qoladan ay Barni ka dhalatay in la iska ilaaliyo calaacalahooda iyo boqnahoodu in ay ku taabtaan, haddii kale waxaa ku raacaysa cirirnimo iyo fakhri aan weligaa kaa hadhin. Markii uu hubsaday in uu calaacasheeda taabtay waxa uu jeclaystay in uu wayddiisto in ay u oggaalto boqnaheedana in uu taabto.

Markii uu Barni ka soo baxay aqalka hortiisa waxa uu ku sii dhaafay yaryarkeedii iyo kuwo kale oo xalwaddii iyo nacnacii haysta oo wada ciyaaraya. Waxa uu xasuustay isagu markii uu da’daas ahaa in aan loo oggolaan jirin reer Seed in uu oontooda cuno ama gurigooda galo.

Dhamaaad 

W/Q Ibrahim Hawd

Related posts

Si Aad Hurdo Caafimaad Leh U Hesho Waa Inaa Joogteysataa Arimahaan.

KaLaFoGe

Qeybtii Toddobo Iyo Tobnaad “17” Jaceylkii Aan Macquul Galka Aheyn Iyo mucjisadiisii Dahsooneyd..!! “Sheeko Xiiso Badan”.

KaLaFoGe

Gabdhoow oohintiinu orgiga ka weyn! Qormo Gaaban oo ka Turjumeyso Kalgaceylka Ragga Iyo Dumarka Soomaaliyeed.

KaLaFoGe

2 comments

Leave a Reply