Hooyga Barbaarinta Qoyska & Wanaaga Bulshada

Qiil Aad Ku Baxsatid Ma Jiro Marka La Taaganyahay Maalintaan Bal Eeg.

Maalinta qiyaamaha taajirku waxaa uu odhan, Illaahayow hantida ayaa cibaadada iga mashquulisay, Alle (S.W.T) waxa uu ku odhan Nebi Suleymaan, ka maad hanti badnayn, hantidiisuna kamay mashquulin cibaadada.

Addoonku waxa uu leyahay Rabiyow, addoon ayaan ahaa, addoonsiga ayaa cibaadada ii diiday, Alle (S.W.T), waxa uu ku odhan Nebi Yuusuf, addoon ayuu ahaa, addoonsiguna kama uu reebin cibaadada iyo salaada.

Faqiirku waxa uu odhan, Illaahayow faqriga ayaa ii diiday cibaadada, Alle (S.W.T), waxa uu ku odhan Ciise Masiix (Nebi Ciise) waxa uu ahaa faqiir umana diidi jirin faqrigu cibaadada.

Midka xanuunsan isna waxa uu odhan Illaahayow cudurka ayaa ii diiday cibaadada, Alle (S.W.T) , waxa uu ku odhan Nebi Ayuub, waxa uu ahaa mid buka cudurkuna uma diidin cibaadada…

Shabakada kobciyemedia.com hadaba waxey kugu boorineysaa xaalad walbo oo ku sugantahay inaadan cibaadada yareynin insha allaah…

Related posts

Dhowr Waxyaabood Oo Ku Saabsan Caafimaadka Muhiimna Aay Tahay Inuu Ogaado Qof Walboo Kamid Ah Akhristayaasha Kobciye.Com

KaLaFoGe

Qodobo Ku Socdo Qofka Xanaaqa Dhaw Iyo Siduu U Maareyn Karo Xanaaqa Naftiisa Lasoo Derso “U Gaar Ah Qofka Xanaaqa Dhaw”.

KaLaFoGe

Baro Dhaqanka Iyo Dabeecadaha Lamaanahaaga Si Lagaaga Helo Arimahaan…

KaLaFoGe

4 comments

Leave a Reply