Hooyga Barbaarinta Qoyska & Wanaaga Bulshada

Suaalo & Jawaabo Muhiim Ah Sakatul Fidriga Iyo Ciidul Fidri Waxaa Kajawabay Sheikh Abdulrahman Ali Geedi {Balshaf}‏

Axkaamta Sakatul Fidriga & Ciida.

Ugu Horreyn ASCWB Akhristayaasha kobciyemedia.com kuwoodii sanadkii hore waxaa laga yaabaa iney horay ugu akhristeen bogeena kobciyemedia.com balse keydka suaalihii sanadkii hore ayaan kasoo dhex bixinay si aay dadka ugu faaideystaan mar kale.

Waxaa inagu soo maqan casharo kale oo kusaabsan marxaladaha aan hada taaganhay haduu EEBE idmo..

Waxaan kuhormareynaa maantay Axkaamaha Sakatul Fidriga & Ciida.

Waxaana uhabeynay qaab suaalo iyo jawaabo ah.

Sakatul Fidri

S1:- Maxaa layiraahdaaa Sakatul Fidriga??

J:- Sakatul Fidri waa sadaqada labixiyo marka uu dhamaadka yahay Ramadaanka…..

S2:- Waa maxay xukunka sakatul fidriga??

J:- Xukunka Sakatul Fidriga Waa waajib dulsaaran qofkasto oo muslim ah; Qof yar Qof weyn, Rag, Haween, Xur Ama Adoon, Marba Haduu uu awood uleeyahay uuna helayo wax kabaxsan quudka maalinta ciida iyo habeenkeeda.

S3:-   Waa maxay xikmada kujirto sakatul fidriga??

J:- 2bo arrin ayaa loo waajibiyay 1:- Si ay uga daahiriso qofkii soonaay waxyaabaha soo gaaray soonkiisa oo ah , sida Xanta, Afxumada, I.W.M 2:-  in ay u noqoto quudin dadka masaakiinta ah maalintaas ciida kagana maarmaan iney dawarsadaan dadka baryaan.

S4:- Goorma ayaa labixinayaa sakatul fidriga??

J:- Waxaa labixinayaa kahor inta aan lagaarin salaada ciida maalin ama labo maalin. FG: qofka bixiyo sakatul fidriga inta aan latukan salaada ciidul fidriga, waa kagudmayaa sakatul fidrigii, qofka bixiyo salaada ciida kabacdi sakatul fidri maahan ee waxey unoqoneysaa sadaqo caadi ah.

S5:- Cadad intee la’eg ayaa labixinayaa waxyaabaha lagu dhiibi karaana maxey yihiin???

J:- Cadad Ahaan waxaa labixinayaa in udhiganto 2.75kg Hadii labuuxiyo illaa 3kg ne wax dhib ah malahan. Waxyaabaha lagu bixin karaane waxey kala yihiin; Timir, Qamadi (Sareyn), Bur, Caano laqalajiyay sida caano booraha, iyo  waxkasta oo bini aadamka oo quuto sida; Bariiska, Galleyda, Masagada (hadhuudhka) I.W.M.

S6:- yey ku baxdaa Sakatul Fidriga??

J:- Waxey kubaxdaa qof kasta oo miskiin ah ee aan haaysan wax kufilan nolol maalmeedkiisa.

S7:- Sakatul Fidriga Lacag Ahaan Ma ubixin karaa??

J:- Maya Sakatul fidriga Qiima Ahaan (lacag) laguma bixin karo sida Ahlu Cilmiga Badankooda Aay Qabaan Kamana Sugnaanin Nebigeena SCW iyo saxaabada midna. FG: lakin hadii uu joogo wadan dad masaakiin ah aanu joogin qiimo ahaan wuu udiri karaa meel aay masaakiini joogto si loogu gado cunto ee loosiiyo dadka masaakiinta ah.

Ciidul Fidri.

S1:- Sidee Buu ugu diyaar garoobayaa qofka muslimka ahi salaada Ciida???

J:- wuxuu ugu diyaar garoobayaaa Si nadaafad leh jismi ahaan iyo waxa uu kulabisanayaba asaga oo xeranayo dharkiisa kan ugu wanaagsan. FG: Hadii uu helayo dhar cusub waa aay wanaagsantahay lakin shardi uma ahan xerashada dhar cusub ciidiisa.

 S2:- Wax Cunid ama cabid ah masameyn karaa kahor salaada ciida??

J:- Haa waaba sunno in uu wax cuno gaar ahaan in uu cuno xoogaa timir ah si tirro is dheer ah (3,5,7,9….)  Sidaas ayee aheyd Sunnada Rassuulka SCW. Hadii aanu haleynin wax Timir ah, waxa uu cuni karaa wax uun macmacaan ah..

S3:- Malatakbiirsan karaaa Kahor Salaada Ciida Qaabkeesa Loo Takbiirsanayaa??

J:- Haa waa latakbiirsan karaaa rag & dumarba. Waxaana loo takbiirsanayaa; ALLAHU AKBAR, ALLAHU AKBAR, LAAILAAHA ILLA LAAHU, WALLAHU AKBAR, ALLAHU AKBAR, WALLILAAHIL XAMDU. FG: Takbiirta leysla qaadayo kama sugnaanin rassuulka SCW iyo saxaabada toona sidaasi awgeed waxaa wanaagsan in qof weliba goonidiisa utakbiirsado, wax dhib ahna kuma jiraan hadii ayadoon loo qasdin codka uu isla  kulmo.

S4:- Sidee u aadayaa goobta lagu tukanayo???

J:- waxa uu adayaa si kasto oo usuurto galeyso assaga oo lugeynayo (waana sida fadliga badan) waa hadii aay suurto gal utahay. Hadii kale wuxuu aaadayaa asaga oo gaadiid fuushan hadii aanu socodka usuurto galeyn, asaga oo takbiirsanayo xusuusanayana nimcada illaahey dareemayana iney tahay maalin ciideed oo weyn.

S5:- Dumarka & carruurta maka qeyb Geli Karaan Salaadaha Ciida???

J:- Haa wey kaqeyb geli karaan dumarka & carruurta salaada ciida sidaasi ayuuna amray rasuulka SCW in lasoo bixiyo dumarka lana keeno meesha salaada ciida lagu tukanayo, xattaa markaasi kuwa aan daahirka aheyn iyo kuwa maqbiyooyinka ee kusugan guryaha si aay ducada muslimiinta ugu qeyb galaan. FG: dumarka aan daahirka aheyn meel gooni ah ayey kafadhiisanayaan salaada ciida.

S6:- Maleysku tahniyaden karaa maalinta ciida Qaabkeesa leyskugu tahniyadeeynayaa???

J:- haa waa leysku tahniyadeyn karaa maalinta ciida sida saxaabadaba kasugnaatay waxaana leyskugu tahniyadeynayaa “TAQABALLA LAAHU MINAA WAMINKUM SAALIXAL ACMAAL” oo micnaheedu yahay ALLAHA naga aqbalo anaga iyo adinkaba acmaasha kuweeda wanaagsan,, FG: hadii anu qofku garaneynin wax dhib ah kuma sugno inuu is ticmaalo waxyaabaha sida Ciid Mubarak I.W.M. Wallahu Aclam.

W/D Sheikh CabdulRahmaan Ali Geedi {Balshaf}

“TAQABALLA LAAHU MINAA WAMINKUM SAALIXAL ACMAAL”

Related posts

Arimaha Diinta: Baabka Soo Noqodka Sheydaan Waswaaska Salaada….

KaLaFoGe

Daawo Sawirada:Tartan Kubada Cagta oo Ka Furmay Baledweyne Looguna Magac Daray Madaxweynaha Dalka Jabuuti + Sawiro

KaLaFoGe

Gabar Yahay Maxaad Ka Ogtahay Waxyaabaha Aay Ragga Ka eegaan Dumarka Marka Ugu Horeeysa Aay Indhaha Ku Dhuftaan..!!

KaLaFoGe

1 comment

Leave a Reply