Hooyga Barbaarinta Qoyska & Wanaaga Bulshada

Wax Badan Ka Ogoow Madax Xanuunka Iyo Waxyaabaha Sababo Inuu Joogto Kugu Noqdo.

Madax xanuunku wuxuu ka midyahay jirooyinka iska caadigaa, oo dadka intiisa badan badanaa la kulmaan. Madaxu dadka qaarbuu mar walba xanuunaa qaarna mar-mar.

Madax xanuunku wuxuu u qaybsami karaa labo qaybood: waa mid iska caadi ah oo qofka markuu mudo yar la joogo ka tagaya iyo mid halis ah oo aakhirka sababa geeri. Hadaba halkan waxaan ku soo qaadananaa qaar ka mid ah wax yaalaha sababi kara madax xanuun qofka ku yimaada.

● Xaalad uu qofku galo sida fikir badan,naxdin, xanaaq.

●Dhiig la’aan ama dhiig yaraan qofka ku timaada.

● Dhanjafka ama goonjabka xanuunka loo yaqaano.

● Xanuunada indhaha.

●Infekshin maskaxda ku dhaca.

● Hurdo \ nasasho la’aanta.

● Dhaawac madaxa soo gaadha. Dhaawacyada madaxa soo gaadha badanaa waxay ka yimaadaan: shilalka gawaadhida,dhicitaan uu qofku dhaco, shilalka ciyaaraha, shilalka goobaha shaqada, dagaal iyo wax yaalo kaloo badan. Dhaawacyada madaxa gaadha qaarbaaa qofka markiiba madaxu xanuunaa qaarna maalmo,bilo ama sanado ka dib.

●Infekshinka xuubka maskaxda ku dhaca.

● Durayga (hargabka) qofkuu soo hayo ama hayoba.

●Kiniinada madax xanuunka oo si maalinle ah loo cuno (la iska

badiyo), waxay keenaan madax xanuun kale.

●Buro (fiix) maskaxda ka soo baxda.

Waxyaalaha aan halkan ku xusnay iyo qaar kaloo badanba waxay sababaan madax xanuunka.

WQ: Layla Ahmed (Istaahil)

Related posts

Baarlamanka UK Oo Ka Dooday In Bisado La Keeno Xaruntooda Si Ay Ula Dagaalamaan Jiirka Oo Ku Batay.

KaLaFoGe

Noocyada Xannuuno Laga Qaado Miis iyo Kursi Qofku 6 Saac oo Xidhiidh ah ku Fadhiyo.

KaLaFoGe

Soonka Iyo Sixada (14): Talooyin Kaa Dhowrayaa Dhibta Caafimaad Ee Ay Milixdu Keento xilliga Soonka..

KaLaFoGe

1 comment

Leave a Reply