Hooyga Barbaarinta Qoyska & Wanaaga Bulshada

Wax ka baro Waxtarka Geed-Miroodkaan oo lagu taliyo in Afurka Ramadaanka lagu cuno!!

Geed Miroodka Tiinka loo yaqaan waxaa weeye mid ka mida Geedaha ceynkiisa ah ee ugu badan dhanka Carbohydrate-ka oo 73% ka ah Geedkaan, halka protein-kana ay ka yihiin kaliya 3%.

Walxaha Dufanta leh ayaa iyagana ah 2%, waxaana sidoo kale Geedkaan ku jira Macdanta Calcium, Phosphor, Birta, Vitamine A, B iyo G. sida lagu qoray Wargeyska Al-Riyaadh ee Sucuudiga kasoo baxa.

Waxaa la door bidaa in Geed-miroodkan lagu cuno Afurka Bisha Ramadaan, iyadoo la eegayo Faa’idooyinka cunno iyo Daawada uu leeyahay.

Cilmi-baarayaal ayaa ogaaday in Tiinka uu ka koobanyahay Walxo dhex gala Dhiigga oo ka hortaga inuu Dhiiggu isku dhago ama adkaado, sidoo kalena joojiya Dhiig baxa.

Tiinta oo sidoo kale leh in badan oo Vitamine K ah ayaa lagu sheegaa Farmashiye iskiis u taagan, waana Cunno ay ka buuxdo Sokorta, Cusbada iyo Vitamines-ka.

Dadka CIyaaraha dheela waxay Geedkaan ka helaan Awood iyo Tamar dheeraad ah, sidoo kalena waxay ka helaan Enzymes-ka wax Shiida.

Related posts

Daawo Video Qiso Murugo Leh: Furiin ayay Ninkeeda Ka Dalbatay Kadibna Asigoo Furin ayuu Dhintay

KaLaFoGe

Hadii Aad Tahay Qof Iloowgiisu Badan Yahay, Baro Qaab Noocee Ah Ayaad Ugu hortagi Kartaa Arintaasi.

KaLaFoGe

Qodobo Wanaag Ka Turjumayo Kuna Barayo Hababka Ilmaha Lagu Koriyo..

KaLaFoGe

1 comment

Leave a Reply