Hooyga Barbaarinta Qoyska & Wanaaga Bulshada

Xadiis Wax Ku Ool Ah Iyo Sharaxiiisa Ka Faaideyso Walaalka Iyo Walaasha Muslimka Ahoow.

Asalaamu calaykumn waraxmatullahi wabarakatuhu.

                     Adiyada ma banaanaa.

Waxaa laga weriyey Abuu-Saciid Sacd ibn Maalik Al-Khudri( Allaha ka raali noqdee),in uu yiri Rasuulkii Illaahay (Scw):”Haa u geysan dhib naftaada ama qeyrkaa.”

Waa xadiis Xasan ah,

waxaa weriyey Ibnu-Maajah,Ad-Daara-Qudni iyo kuwo kale

SHARAXA

Xadiiskanii waa erayo kooban , laakiin macno xeel dheer ku fadhiya wuxuu xaaraantiinimeynayaa dhammaan noocyaada dulmiiga,xinta xanta, xasadka,gardarrada,dhaca iyo xad-gudub kasta.wuxuu leeyahay ma banaana qof xad-gudub kula kaca qof kale maalkiisa,naftiisa iyo sharaftiisa intaba, amaba uu kula kaco oo u geysto dhibaato naftiisa.Qofka Muslimka ah, waa kii nabadgelyo laga helo carrabkiisa, iyo gacantiisaba,xataa haddii la dulmo waa inaanu ku xad-gudbin difaaca iyo iska celinta dulmiga.Qofka Muslim ah waa kii ka dhowra naftiisa dhibaatada sida dhuuqidda sigaarka,cunidda qaadka, iwm

Xadiiskan faaidadiisa

1-Noocyadaa dulmiga oo dhan uu qofka u geysto naftiisa ama dadka kale inay xaaraan yihiin.

2-In laaga nabadgaalo carrabkaaga iyo gacaantaada.

Walaaltinimaada islaamka

Waxaa laga weriyey Abuu Hureyah A.K.R. In uu Rasuulkii Illaahay (Scw) yiri;Ha is-xaasidina,ha isku fallisina badeecadda idinkoo uga dan leh in qof kale lagu qaaliyeeyo sicirka,ama hoos looga dhigo qiimaha,ha isu caroonina,ha isu dhabar jeedinina,badeecad qof baayacayo ha ka kor baayacina.Noqda Addoomo Illaahay oo Walaalo ah,ma dulmo,ma hoojiyo,ma beeniyo,ma quursado.

Taqwadu waa halkaan isagoo gacanta saaray (SCW) laabtiisa saddex jeer.Waxaa shar ugu filan qofka in uu quursado ama yaso walaalkiisa Muslimka ah.Qof kasta oo Muslim ah, waxaa ka xaaraan ah dhiigga Muslimka maalkiisa iyo sharafkiisa.

Waxaa weriyey Muslim.

SHARAXAA

Xadiiskani wuxuu ka hadlayaa ka hortegidda waxyaalaha dadka kala geeye ee isku dira,waxaanu xaaraantinimeeyey sagaal (9)Arrimood oo ka mid ah waxyaalaha dadku isku naco ee kala fogeeya.

A-Waa xaasidnimada oo ah inaad kahato ama ka xumaato waxa Qofka kale u kordha oo khayr ah,waana dabeecad aad u Xun,maxaa yeelay,qofkii isagoon waxba la yeelin,waxba laga Dhimin xaqiisii,ayuu ka xun yahay kheyr

Rabbi qof kale Ku galladaystay.Marka xaasidnimadu waa cudur aad u kala fogeeya dadka.

B-Arrinka labaad wa fallisaad dabeecad iyadoo qof loogu daneynayo In qiimaha looga kordhiyo ama looga yareeyo,tusaale ahaan, Wuxuu ku kordhinayaa alaab la naadinayo qimaha isagoon Iibsanayn ee doonaya in qiimuhu u kordho qofka alaabta iska leh.

C-Waa carada,iyaduna waa waxyaalaha dadka isku dira,maxaa Yeelay,laba qof oo isu careysan waxba wada qabsan maayaan Marka waa in carada laga xoroobo,haddii la caroodana oo aan Qalbiga lagu haysan,Waa inaan dhabarka leysu duwin oo aan la kala jeesan,marka laba Qof oo caloosha wax isugu haya iska hor-yimaadaan,isma arki Karaan,wejigana isma siin karaan,markaasay kala jeestaan,haddi Ay iska hor-yimaadaan,marka laba qof oo aan is-arki karayn siday wax u wada qabsan karaan?Xadiis kale,wuxuu Nebigu(SCW)ku Sheegay inaanay bannaaneyn in laba qof oo Muslim ah saddex maalmood wax ka badan duudmo ku kala maqnaadaan,waxaana Kheyr roon labodooda midka salaanta ku hor billaaba kan Kale.Sida runta ah kaasaa geesisan oo ka dadnimo roon,maxaa yeelay,waa nin naftiisa uur-xumadu ka buuxday ka adkaaday oo ka gudbay derbigii sharka ahaa ee sheydaanku ku kala ooday Labada qof ee walaalaha ah.

D-Inaan qaarkiin qaarka kale ka kor iibsan badeecadda.Tusaale Ahaan,wuxuu u imaanayaa laba qof oo wax kala Iibsanaya,markaasuu mid u il-jibinayaa ama hoos kala Hadlaya,isagoo leh,anigaa intaa ks badan kaaga iibsanaya ama Aniga intaa in ka jaban kugu siinaaya iwm.

E-Arrinka lixaad waa dulmiga,umana bannaana qof Muslim ah in uu Kula kaco gardarro iyo dulmi Walaalkii.

Muslimku ma hoojiyo walaalki markuu arko isagoo ciriiri ku jira Waa in uu gacan ku siiya siduu uga bixi lahaa,ma aha in uu ku Ceebeeyo ama ku wiirsado.Marka hadduu la kulmo qof Muslim Ah oo cadow gacanta ugu jira waa in uu ka Furto,haddii awooddiisu gaarsiiso nooc kastaba ha noqdee Cadowgaas,cadow gaal ah, cadow gaajo ah,cadow jirro ah,cadow jahli ah,cadow deyn ah iwm.

F-Arrinka siddeedaad waa inaanu beeneyn.Qofka Muslimka ah uma Banaaana in uu ku dhaho qofka kale oo Muslim ah been baad Sheegeysaa ama beenaale ayaad tahay,maxaa yeelay,qofka aad Sidaa ula hadashid waa coloobeysaan,taasina waa wax islaamku La dagaallamayo marka ma bannaana ficil dadka Muslimiinta ah cadaawo dhex dhigaya. G-Arrinka sagaalaad waa is-quursiga ama is yasidda.Qofna uma Bannaana in uu walaalkii quursado,maxaa yeelay,qofkaad Quursado waa qof aad iska sarreysiisid,waxaana laga yaaba inaad Ka xoolo roon tahay ama aad ka aqoon badan tahay,laakiin ogow Allaah ee ku siiyey adiga waxaan walaalkaa haysan,waa yeeli karaa In uu isku kiin beddelo,ama wax ka khayr roon waxa aad ku Faanayso in isagana la siiyo.Marka is-quursigu waa jirrooyinka ugu Daran ee dadka isku dira,sababtoo ah haddii qofku dareemo inaad Iska sarreysiineyaso, wuxuu kuu qaadayaa cadownimo,waxaanu Ku dadaalayaa siduu ku boqno goyn lahaa,waxaa lagu caddeeyey Xadiiskan haddii qofku aanu dambi kale lahayn oo aan quursiga Dadka ahayn waa ugu filan yahay ciqaab.Wuxuu Nebigu(scw)Amrey in ay dadku noqdaan Addomo Illaahay oo walaalo ah.

Wuxuu Nebigu(SCW).Tilmaamay in arrimaha laga xaaraantinimeeyey Muslimka ay qalbiga madoobeeyaan marka waa in qalbiga laga saafi yeelo arrimaahaas foosha Xun.Wuxuu yiri Nebiga(SCW)Taqwadu waa halkaan.Isagoo saddex jeer farta ku fiiqay laabtiisa,marka saldhigga laga dhowrayo fulinta sharciga waa qalbiga, horayna waxaa innagu soo maray in haddii qalbigu hagaago jirka intiisa kalena hagaageyso.Ugu dambeystii waxaa laga Xaaraantinimeeyey qof kasta oo muslim ah in uu daadiyo Dhiig Muslim ama dhaco maal Muslim ama ku xad-gudbo sharafta qofka Muslimka ah iyo xilaadiisa.

FAA’IDAADA XADIISKA.

A-Wuxuu reebay wax allaale wixii kala geynaya ama isku diraya xubnaha bulshada.

B-Wuxuu reebey in laysku falliso badeecadda,iyadoo loogu danaynayo qofka kale.

C-Waxaa la xaaraantinimeeyey kala jeedsiga iyo isu dhabar jeedinta.

D-Waxaa la reebay in badeecadda la iska kor iibsado.

E-Waxaa la reebay dulmiga dhammaantiis.

F-Waxaa la reebay is-hoojinta marka qofku ciriiriga ku jiro.

G-Ma bannaana in lagu yiraahdo qof muslim ah been baad sheegtey.

H-Waxaa la reebay carada.

I-Waxaa la reebay is-quursiga.

J-Waxaa la xaaraantinimeeyey daadinta dhiigga Qofka Muslimka ama ku xad gudubka xoolahiisa iyo xilaadiisa.

K-Wuxuu amray nebigu(SCW)Muslimiinta in walaalo isu ahaadaan oo leys xaq dhowro.

Sida Islaamka ugu dadaalaayo daryeelida iyo iskaashiga bulshada.

Illaahay towfiiqda hana wafajiyo amiiin.

Wabilahi towfiiq

Related posts

Sadax Qodob Oo Ka Mid ah Bur Buriyaasha Jaceylka Iyo Sidey Ugu Fogaan Karaan Lamaanayaasha.

KaLaFoGe

Hadii Aad Leedahay Tilmaamahaan Waxaa Xaqiiqo ah In Jaceylkaagu Dhab Yahay.. ‘Jaceylka dhabta Ah’.

KaLaFoGe

Tolloow Dhallinyarada yaa guurka ku qaaliyeeyay? Su’aashaas iyo Kuwo Kaloo Ku Aadan Dhalinyarada Maantaba Jawaab U Hel..!!

KaLaFoGe

2 comments

Leave a Reply