Hooyga Barbaarinta Qoyska & Wanaaga Bulshada

Xog Muhiim ah: Ilmahaaga Kumbiyuutar ka ilaali si ay u hadlaan!! (Sababta waa maxay?)

Dad badan ayaa ka dhigtay Maalintooda mid u qaybsan Xilli ay Kumbiyuutarka hor fadhiyaan iyo Xilliyo kale oo qaarkood ay Telefishinno ama Telfoonada Gacanta ku mashquulsanyihiin.

Waxay Dadku Kumbiyuutarka Shaashadiisa u horfadhiyaan Dano kala duwan, oo qaar Shaqo quseeya.

Taasi aad bay saameeyn ugu yeelatay Nolosha Caruurta yar yar ee Dunida oo Xilligan aad ugu badan Adeegsiga Shaashadaha Kumbiyuutarku.

Waxay tani Raad xun ku reebtay Koritaanka Caruurta, Socoshadooda, Hadalkooda iyo Hab dhaqankooda Bulshada, gaar ahaanna marka iyagoo aan wali Hadal iyo Hadaaqba baran ay bilaabaan hor fariisashada Shaashadda Kumbiyuutarka iyo adeegsigeeda.

Diraasadaha iyo Baaritaanada lagu sameeyay arrintan ayaa siyaabo kale duwan wax u dhigeeysa, Aabayaasha iyo Macalimiintuna waxay isugu jiraan kuwo u arka Aaladahaan Kumbiyuutarka ee ay Caruurtu hor fadhiyaan sida tan IPAD la yiraa inay Raad xun ku reebeeyso Awoodda Caqliyeed ee Ilmaha, halka qaarkooda kalena ay Aragti taas ka duwan qabaan.

Aragtiyada qaar ayaa ah kuwo ay Dad Khubaro ah soo jeediyeen oo sheegeeysa in Ilmaha yar yar oo aad ugu xirnaada Adeegsiga Kumbiyuutarka, iyo aqrinta Fariin Qoraaleedyada ama la socoshadooda ay dib u dhigeeyso Xilligii ay Ilmuhu bilaabi lahaayeen Xiriirka tooska ah ee ay Ehelkooda iyo Bulshadaba la yeelanayaan.

Sidoo kale waxaa Ilmaha dib ugaga dhacaya Awoodii ay u yeelan lahaayeen inay bartaan kuna Hadaaqaan Ereyo cusub oo Luuqadooda ah, sababtuna waxaa weeye Maskaxdda Aadanuhu waxay Luuqadda ku barataa inay Ereyo cusub dhageeysato marka Wada-hadalka tooska ah Maalin kasta ay Dadku yeelanayaan oo marka dambe Qofku ku celcelinayo Ereyadaas si uu ugu dambeyntii sida saxda ah ugugu dhawaaqo.

Related posts

Mursal Muuse & Xaaskisa Khadro Oo Go’aan Yaab Leh Qaatay Muqdisho Ayey U Socdaan + Cadaadis & Caga Jugleyn…

KaLaFoGe

Akhriso Qisadii Iyo Taariikhdii Saxaabigii Weynaaa Thumaama Binu Uthaal Rc.

KaLaFoGe

Wax Badan Ka Baro Cudur U Qaas Ah Dumarka, Waa maxay Endometriosis?

KaLaFoGe

2 comments

Leave a Reply