Hooyga Barbaarinta Qoyska & Wanaaga Bulshada

Akhriso Maahmaahyo Ku Saabsan Dumarka Iyo Weliba Oraahyadii Hore.

Waxaa jira maahmaahooyin aad u xun ama iska noqdey wax mar kasta la isticmaalo, balse qaarkood aan aheyn maahmaahyo ku wanaagsan xagga dumarka.

Bal halkaan maanta aan idiin kugu soo bandhigno maahmaahyo xaga dumarka ahi qaarkoodna dumarka ka qiimo hooseeyo.

Aan ku bilaabo maahmaahooyinka:

“Naag ama ha ku dhasho ama ha kuu dhaxdo”

Naag been baa lagu soo xera geliyaa runa waa lagu dhaqaa

Naag iyo xoolo hadba waa kii reerka u horeeya

Naag ninkii xariir u gogla xanan bay u gogoshaa, ninkii xanan ogoglana xariir bay u gogoshaa

Naag waa balaayo loo baahan yahay

Naag waa dhallaan raad weyn

Naagi nin aay taqaan nin ma moodo

Naagi nin qaawiyey kama quusato

Naagi waa miro geed saaran

Naago abaal ha ugelin amaahse ha udiidin

Naag ama u sabir ama ka sabir

Naago geel ka baxsaday nabastooday ka dayaan

Naago hiil ha ka sugin

Naago iyo riyo toona looma dhutiyo

Naag galow Naar galow waaye

“Dumar iyo carruurba la’isma cayaar baro”

“Dumar iyo dameerraba duco la’aan bay tarmaan.”

“Dumar nin ammaanaa leh.”

“Dumar waa dabin shaydaan.”

“Dumar wax uga xumi ma jiraan (Ama tag,ama joog)”

“Naago nimaan madaxooda minjo u ragin ninba ma moodaan.”

“Dumar iyo dheri toona yar yaraysi malaha. ”

“Dhilaa la waaniyey markaasay tidhi ii dhakhsada rag bay sugayee.”

Adiguna akhristoow maahmaahyada aad dumarka ka taqaan mid kamid ah dhanka hoose ku reeb.

Related posts

Waa Inaa Facebook-ga Ka Baxdaa Marba Hadii Aad La Kulanto Marxaladahaan Muhiimka Ah ‘Ka bax Facebook-ga’..

KaLaFoGe

Afartaan Dabeecadood Hadii Aad Leedahay Waa Suurto Gal In Qoyskaaga Dhaqso Ku Burburo..

KaLaFoGe

Dumarka Soomaaliyeed Waxey Dunida U Neceb Yihiin Ragga Tilmaamahaan Leh Iney Jaceyl La Wadaagaan “Q1aad”.

KaLaFoGe

1 comment

Leave a Reply