Hooyga Barbaarinta Qoyska & Wanaaga Bulshada

Gabay Xiiso Badan Oo Ku Saabsan Qiimaha Aay Leedahay HOOYO Iyo Qalinkii Najmo Sheikh Cusmaan..

Hooyoy hankaygiyo waxa tahay, himiladeydiiye,

Hamigeyga waan kugu hayaa, hiiro iyo maalin.

Halbowlaha dhiigiyo wadnahaad, hooy ku leedahaye,

Haldhaa gabara adigoo ahoo, heybad iyo Nuur leh,

Adigoo hibaaqoo ka wacan, ubaxa heemalka.

hareeraha aduunyada adoo, heybad ugu heysta.

Habeenkan calooshaada galaa, howli kuu timide,

Heedaadowgiyo walaacii ku helay, ugu horreyntiiba,

Haraantida calooshiyo dhibkaan, hooyo kugu haayay,

Habeenka fooshii markaad, hooyo umuleeysay,

Hafeeftiyo xanunkii dhalmada, hooyo Ku asiibay,

Halkii an kasoo go’aay adoo, dhiifi Ku haleeshay.

Hurdada iiga soo kacday adoon, tabarba aan heynin,

Hobeey waxa aad tiraah, aniga ii heysay,

Hamuun adigoo qabaad, caano igu haabtay.

Horaadada kolkaad igu duwdaan, Ku haqab beelaye

Haddaan galin xanuunsado illayn, geeri lama huro’e,

Hugufkayga iyo saxaradaan, kugu habeedsiiyey,

Hanjaaleeladaan kugu qubee, kugu hunqaacaayey,

Haqaqayda iyo oohintaan, hooyo kugu xiijey ,

Haah inaanad odhan waan ogaa, hooyo wacaneeye,

Hooyadeyda gacalooy miyaan, guday haqaadiiba?

Hareeraha markii aan is rogey, fadhi horraadkiiba,

Habaaskaan gurguurtiyo markaan, hawsha kugu waalay,

Hinqashada istaggii markaan, sare u haahaabtay,

Heyntiyo dhaqaaqii intaad, daadah igu heysay,

Hadal barashadaydii intaad, hooyo igu heysay,

Hidihiyo afsoomaaligaad, igu hadaaqsiisey,

Hilinnada cilmiga laga helee, lagu harraad beelo,

Higaaddiyo quraankii wadaad, hibo leh ii geysey,

Hirashada iskuulada intaad, qalinka ii heeysay,

Hagidaaddiyo hanuunkii wacnaa, yaan halmaameyne

Hannaan gabarle goortaan noqdee, ley hunguriyeeyay,

Hooyooy amaan badan waxaad, heeso tirinaysey,

Hareertayda waxaad joogsatee, ila hillaadeysay,

Hadda oon gaboobiyo markaan, haabtay taladeyda

Hamigaagu waa ila jiraa, hooyo wacaneeye,

Hilowgiyo sidaad ii rabtana, waan hamiyayaaye,

Hadyad iyo hadaan maal aduun, haqabla kuu keeno,

Haareertaada dahabkaan dhigaa, halna ma gooyaane,

Hawshaada ruux gudi karaan, hooyo aan jirine,

Hawraarta gabaygaan tirshaa, wayska hidhidhiiye,

Haybadloow ilaah baan ducada, kaaga hoorsadaye,

Hibo wacan ku noolow adduun, hadiga ad joogto,

Halaag iyo dhib kuuma rabo, cudur habaabaaya,

Hoos adduun laguma waarayee, waala haajiriye

Hadaad iilato ha galin, naarta holcaneysa

Haf markeey naftu tiraah, malaggu soo haado

Hooygaaga aakhiro illaah, hogobka kuu nuuri,

Halaag iyo ilaah kuma tusiyo, marinka hooseeya,

Hiirada lasoo wada bexee, weyne la hor aado,

Hanaskiyo qiyaamuhu markey, qorraxdu hooseeyso,

Hoos qaboow ilaahey kusii, hirasho booskeed leh,

Hambabkii cadaabtiyo ha arag, meesha lagu hoobto,

Hibaaqii jannada ii ahoow, hooyo waan idhiye

Related posts

Ma Rabtaa In Ubadkaagu Helaan Tarbiyad Fiican Oo If Iyo Aakhiraba Idin Anfacda? Baro 10kan Qodob.

KaLaFoGe

Jawaabta Halxidhaalihii Isbuucii Hore Iyo Halxidhaalaha Isbuucaan..

KaLaFoGe

Halkaan Kaga Faaideyso Xadiisyo Muhiim Ah Oo Afsomali Lagugu Turjumay Kuna Qotomo Nolosha.

KaLaFoGe

Leave a Reply