Hooyga Barbaarinta Qoyska & Wanaaga Bulshada

“Nafteyda Adiga Ayaa, Abaal Gud U Yeeshay, Markaad Murugadii Aad iigu Badashay Malab” {DHAMBAAL JACEYL}

Gacaliso gudoon wacan, kani waa dhambaal u dhadhamaya sida malabka shinida, waxa wehliya ubaxyo kala ceyn ah oo aan hadiyad kaaga dhigay, waxa ku jira fariin qoraalkan ereyo kasoo maaxday maan iyo maskax aad ku milantahay, ee macaanso adigaa muteystaye.

macaanteydiyey adigoo kaliya ayaa nafteyda ku lamaanan, maalin iyo habeenna waad igusoo maaxataa, waxan jecelaan lahaa markan meel aadaba inad adigu noqoto qof kasta oo iga hor yimaada, waxanse kasii jeclaan lahaa inad ii raacdo goob walba oo aan u tallaaba qaado, Xiisaha aan kuu qabo lama xisaabin karo hase ahaatee waxan isku maaweeliyaa muuqaalkaaga quruxda badan ee mowle kugu maneystay iyo hadallada macaan ee aad igu quudiso.

Waxan marnaba illaawi Karin kaftankiyo sheekadeena kolkaan isku kali nahay, sidey aniga ila tahay waqtigu marnaba ma socdo markad iga fogtahay, basle markan isla joogno waxan u heystaa in oroddo lagu xero goor-sheegta (waqtiga ayaa is guraya), illeen anigoon kaa bogan ayuu waqtigu dhamaadaa.

Xabiibti Majecli Inan ilbiriqsi ku moogaado, duniduna iima dhadhameyso adiga la’aantaa, maadaama aysan suurto gal aheyn inan saacad walba kula joogo hadana marba marka ka dambeysa Waxan is iraahdaa Yaa iminka kula kulansiiya gacalisadaada?

Magacaaga hadii aan maqlo, ama meel uu ku qoranyahay aan ku arko jirkaa I dubaaxinaya, taa micneheedu maaha inan kaa argagaxayo lkn kaliya xubnuhu waxay la jareynayaan rabitaankaaga maadaama aad tahay dawada nafteyda

Mar kasta oo uu soo dhaco mobile-keygu waxan moodaan inad adigu soo waceyso, fariimahana sidoo kale, qalbigeyga dab baa shidan waxana uu damaa markan ku arko ama aan codkaaga maqlo, kolkad ii dhaweyn ee aan fariimo kuusoo diro, olol baa ka baxaya laabteyda waxana ay qabowdaa markad oraahdaada naxariista badan iigu soo jawaabto, markan talefoonka kaasoo wacayana baahida iyo xiisaha an kuu qabo aawadood wadnaheygu waxa uu u garaacmaa si xowli ah.

Hore waxa loo yiri “MEEL HOWL U BAAHAN, HADAL KUMA BOGSOOTO” Hase ahaatee waxan hubaa inad dhambaalkeyga ku farxi doonto oo uu marba mark aka dambeysa kugusoo maaxan doono, waxan kusoo af-meerayaa dhambaalkeyga “NAFTEYDA ADIGA AYAAN, ABAAL GUD KAAGA DHIGAY”.

I love you always and for ever.

Diyaarintii: Ibrahiim Cisman Afrax

E-mail: nolosha1993@gmail.com

Facebook: http://www.facebook.com/Ibrahiimos

Twitter: @ibraahiimos

Related posts

DEG DEG:- Wararkii Ugu Dambeyay Meydad Badan oo Yaala Madaxtooyada Somaliya Iyo Warar Sheegaya in….

KaLaFoGe

Sir qota dheer oo ka dambeysa qadka Internet-ka ee ay joojisay Al-Shabaab oo la ogaaday

KaLaFoGe

DAAWO SAWIRADA:-Magaalada Muqdisho oo Maalinba Maalinta Ka Dambeysa Qurux Lala Yaabo La Soo Baxeysa Sawiro Galabta Laga Soo Qaaday.

KaLaFoGe

Leave a Reply