Hooyga Barbaarinta Qoyska & Wanaaga Bulshada

Qaar ka mid ah dalalka Islaamka oo ku dhawaaqay munaasabada Ciidul-fitriga

Iyadoo bisha Ramadaan ay ku beegneyd maanta 29 ayaa qaar ka mid ah dalalka Islaamka waxay ku dhawaaqeen caawa in la arkay bishii Shawal ayna maalinta beri ah u tahay Maalinta koowaad ee ciidul fitriga.

Dalalka islaamka ee ku dhawaaqay inay Berri oo Jimce ah tahay ciidul fitri ayaa waxaa ka mid ah Dowladda Qatar oo goor dhoweyd shaacisay in la arkay bishii Shawaal (Soonfur), isla markaana ay berrito tahay maalinta koowaad ee Ciida.

Dalka Boqortooyada Sacuudiga ayaa iyana laga soo sheegaya in laga arkay bishii Shawal, sida laga soo weriyey Jaamacada cilmiga xiddigaha ee Xuuda oo dadaal ugu jirtay raadinta bisha Shawaal, iyadoo laga arkay magaalada Sudair.

Dalalka Indonesia iyo Maleysia  ayaa  noqday dowladihii ugu horeeyey ee shaaciyey iney tahay beri ciid bishana laga arkay dalalkooda, waxaana weli iska soo daba dhacaya wararka ku saabsan ciida

La soco wixii soo kordha..

Related posts

Qiso Cibro Qaadasho Mudan Gabadhii Arooskeeda Dhar Qaawan Soo Xiratay Kadib Maxaa Ku dhacay.

KaLaFoGe

DAAWO VIDEO:Fanaan Caan Ah oo Jaceylkii Ugu Yaabka Badnaa Soo Bandhigtay Tolow Yuu Jecel Yahay Bal Ogoow.

KaLaFoGe

How to Use Auto AF Fine Tune on Your Nikon DSLR the Right Way

KaLaFoGe

Leave a Reply