Hooyga Barbaarinta Qoyska & Wanaaga Bulshada

Xilliga oohinta, haddii ilmada ugu horreysa ay ka soo dareerto isha midig macneheedu waa in aad……

1. Badanaa ereyga ‘waan ku jecelahay’ waxaa la adeegsadaa bisha Nofeembar, iyadoo waddamada reer galbeedku u asteeyeen xuska jaceylka iyo saaxiibtinnimada bilaha Feebaraayo iyo Agoosto.

2. Qofka doobka ah wuxuu moodayaa in lammaanaha is qaba ay ka farxad badan yihiin, halka lammaanuhuna u haystaan in qofka iskaabbulada ah uu iyaga ka farxad badan yahay.

3. Dadka aan noloshooda ku qanacsaneyn, abid kama tagaan fursad ay ku dhaliilaan dadka kale.

4. Dumarku waxa ay hadlaan in ka badan inta raggu hadlaan, celcelis ahaanna ereyada ay dumarku sheegaan 5000 (shan kun) oo erey ayey ka badan yihiin kuwa ragga.

5. Rag iyo dumar marka ay been kuu sheegayaan waxa ay inta badan eegaan kor ama dhanka bidix.

6. Xilliga oohinta, haddii ilmada ugu horreysa ay ka soo dareerto isha midig macneheedu waa in aad faraxsan tahay; haddiise ay isha bidix ka soo hoortana waad murugeysan tahay.

7. Guud ahaan xiriirku wuxuu ku tiirsan yahay run, ee kuma tiirsana jaceylka leysu qabo inta uu la eg yahay.

8. Haddii aad tufaax cunto xilli habeen ah, wuxuu kaa caawinayaa in aad habeenkaa soo jeeddo.

9. Haddii aad ujeed fog ka leedahay nolosha, hadafkaaga oo qoraal ah ka dhigo fure-sireedkaaga [passwordkaaga]. Waxaad mar kasta xusuusaneysaa hadafka aad nolosha ka leedahay.

10. Lacagta Hindiya lagama sameyn warqad, waxaa laga sameeyey suuf.

11. Fooshu waxa ay ka xanuun badan tahay 206 lafood oo hal mar wada burbura.

Turjumadii Ibrahim Nolosha

Related posts

Xog ku saabsan kala duwanaanta Maskaxda Dadka iyo tan Dugaagga! (Aqriso)

MABDULE

Kireysiga Ilma-galeenka Haweenka oo qaali ka noqday India!! (Warbixin Xiiso leh)

KaLaFoGe

Inanta Ama Inanka Curadka Ahi Oo Sidaan Loo Sameyn Hinaaso Ma Daayo..

KaLaFoGe

Leave a Reply